Truck Dispatch waa shaqo online ah oo aad ka caawiso darawallada trucks-ka helidda xamuul (loads), qorshaynta safarka, iyo la-xiriirka shirkadaha bixiya xamuulka (brokers). Shaqadani inta badan guriga ayaa laga qabtaa adigoo isticmaalaya kombiyuutar iyo internet.
Dispatcher-ku wuxuu:
Raadiyaa xamuul ku habboon truck-ka
Kala hadlaa qiimaha broker-ka
Qorsheeyaa waddada & waqtiga
Hubiyaa in xamuulku si waqtigeeda ah u gaaro
Diyaariyaa dukumentiyada safarka
💻 Shaqo guri: Looma baahna xafiis ama safar
💰 Dakhli joogto ah: Commission ama lacag bille ah
⏱️ Waqti dabacsan: Adiga ayaad jadwalkaaga maamulanaysaa
📈 Fursad koritaan: Waxaad u baddali kartaa ganacsi kuu gaar ah
Kombiyuutar & internet
Ingiriisi aasaasi ah
Faham ku saabsan maps & waqtiga
Tababar kooban (online)
Truck Dispatch waa xirfad sahlan marka la barto, lehna fursad shaqo iyo dakhli. Waxay ku habboon tahay qof kasta oo doonaya shaqo online ah iyo mustaqbal dhaqaale oo deggan.