+254 727 515164
info@masterup.io

Crypto Updates : saameynta suuqa ee degaalka bariga dhexe

Created by Diini Fx in CRYPTO NEWS 1 Mar 2026
Share

Xaaladahii ugu dambeyey suuqa crypto:


suuqa Cryptocurrency ayaa si lama filaan ah isu beddelay kaddib markii la xaqiijiyay geerida hoggaamiyaha sare ee Iran. Bitcoin ayaa dib uga kacday heerka $68,000, iyadoo kor u dhaaftay 2%. Ethereum (ETH) iyaduna waxay muujisay soo kabasho xooggan oo ka badan 4%.


Maalmo ka hor, suuqa guud wuxuu lumiyay ku dhowaad $128 bilyan oo market cap ah, balse si degdeg ah ayuu uga soo kabtay qiyaastii $32 bilyan. Tani waxay muujinaysaa in suuqa crypto uu si aad ah ugu nugul yahay dhacdooyinka geopolitika, balse sidoo kale uu leeyahay awood soo kabasho oo degdeg ah.


Bitcoin waa hantida ugu weyn ee si buuxda u shaqeysa 24/7. Marka suuqyada kale sida stocks, bonds, ama commodities ay xirmaan (gaar ahaan weekend-ka), crypto ayaa noqda meesha kaliya ee degdegga ah ee laga falceliyo wararka waaweyn.


Saamaynta Geopolitika

Inkasta oo xiisadaha ay saameeyeen dalal ay ka mid yihiin Israel, Qatar iyo UAE, ganacsatada badankood ma arkaan in tani sababi doonto burbur dhaqaale oo waqti dheer ah. Falcelinta degdegga ah waxay u badan tahay mid ku saleysan dareen (sentiment), ma aha isbeddel dhaqaale oo aasaasi ah.


 Liquidity & Risk Rotation

Maadaama suuqyada Mareykanka xirnaayeen, maalgashadayaashu waxay u wareegeen crypto si ay uga baxaan ama uga faa’iidaystaan volatility-ga. Qaar kale waxay u arkeen Bitcoin sidii “digital hedge” ka dhan ah khataraha saliidda iyo dahabka.


Qodobka Go’aaminaya

Haddii xiisaddu sii kororto gaar ahaan haddii la carqaladeeyo marin-biyoodka Strait of Hormuz  saameyntu waxay noqon kartaa mid ballaaran. Sidoo kale, suuqyada Mareykanka marka ay furmaan Isniinta iyo go’aamada dulsaarka ee Federal Reserve ayaa si weyn u saameyn kara jihada xigta.


Su’aal:

Ma u aragtaa Bitcoin inay noqotay mid lamaal gashan karo mise weli waa hantida ugu volatility badan marka dunidu kacsan tahay?

Comments (0)

Share

Share this post with others