+254 727 515164
info@masterup.io

Anthropic Oo Soo Bandhigtay Barnaamijkii AI-ga Ugu Weynaa ee 2026🔥

Created by Abdishakour Harbi in Digital Skill 12 Jul 2026
Share
Claude Corps waa barnaamij fellowship oo cusub oo ay sameysay Anthropic si loogu taageero dadka ku jira bilowga xirfaddooda shaqo, kuwaas oo doonaya inay adeegsadaan AI si ay u xalliyaan dhibaatooyinka bulshada.
Anthropic waxay bilow ahaan ku maalgelisay barnaamijkan $150 milyan , waxaana iska kaashanaya saddex hay'adood:
✅Anthropic
✅CodePath
✅Social Finance
📍Sidee ayuu u shaqeeyaa?
Qof kasta oo la aqbalo (Fellow) wuxuu muddo 12 bilood ah si buuxda (Full-Time) uga shaqaynayaa hay'ad samafal (Nonprofit Organization) oo ku taalla Maraykanka.
📍Hay'adahaas waxay ka shaqeeyaan dhinacyo kala duwan sida:
✅Adeegyada bulshada
✅Waxbarashada
✅Madxafyada
✅Caafimaadka maskaxda
✅Taageerada qaxootiga
✅Iyo adeegyo kale oo bulshada faa'iido u leh
Inta lagu jiro muddadaas, fellows-ku waxay dhisayaan qalab iyo xalal AI ah oo ka caawiya hay'adaha inay si hufan u gutaan shaqadooda.
📍Waa Maxay Shuruudaha Lagu Codsan Karo?
Si aad u codsato Claude Corps, waa inaad:
✅Jirtaa 18 sano ama ka weyn.
✅Leedahay wax ka yar laba sano oo khibrad shaqo Full-Time ah
✅Looma baahna shahaado jaamacadeed.
📍Sidoo kale waxay raadinayaan dadka:
✅Si degdeg ah wax u barta.
✅Maalin kasta isticmaala qalabka AI.
✅Si wanaagsan ula shaqayn kara koox.
✅Leh xirfad isgaarsiin wanaagsan.
✅Xiiseeya inay bulshada wax u qabtaan.
📍Fiiro Gaar Ah
Barnaamijkani ma bixiyo fiiso shaqo (Visa Sponsorship)
Taas macnaheedu waa:
✅bixinta Fiisaha Waxa masuul ka ah Dawlada Marakeynka
✅Dadka ku shaqeeya fiisooyinka u baahan kafaala-qaade sida F-1 OPT ama H-1B badankood uma qalmaan.
📍Goorma Ayuu Bilaabanayaa?
✅Codsiyada Cohort-ka koowaad waxay xirmayaan July 17, 2026
✅100-ka qof ee ugu horreeya waxay bilaabayaan October 2026
✅Waxaa jiri doona Cohorts kale oo bilaabanaya:
🗓️January 2027
🗓️August 2027
📍Maxaad Ka Faa'iidaysanaysaa?
Qofka la aqbalo wuxuu heli doonaa:
✅Mushahar sannadle ah oo dhan $85,000.
✅Tababar rasmi ah oo ku saabsan Claude AI.
✅Tababar joogto ah oo qiyaastii 5 saacadood usbuucii.
✅Mentor iyo hagitaan xirfadeed oo ay bixiso CodePath.
✅Kulamo farsamo (Office Hours) oo ay bixiyaan khubarada Anthropic.
✅Isticmaal bilaash ah oo Claude API ah.
✅ Ilaa $2,500 oo Claude API Credits ah.
## Maxaad Ka Heli Doontaa Marka Aad Dhammayso?
Marka aad dhamayso 12-ka bilood waxaad yeelan doontaa:
✅Khibrad dhab ah oo AI ah.
✅Portfolio ay ku jiraan mashruucyo waaweyn oo aad qabatay.
✅Khibrad aad ku shaqaysay hay'ado waaweyn oo bulshada u adeegaya.
✅Xiriir xirfadeed (Professional Network) oo ka kooban Anthropic, CodePath iyo fellows-ka kale.
Claude Corps waa fursad weyn oo loogu talagalay dadka doonaya inay AI u adeegsadaan horumarinta bulshada, isla markaana dhistaan xirfad xooggan oo mustaqbalka u horseedi karta shaqooyin waaweyn oo dhanka AI ah.


Comments (0)

Share

Share this post with others